Wararka ka imaanaya dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalka Gedo waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi qarax culus lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Kenya.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa haleeshay gaari nooca loo yaqaana Beebaha kaasi oo la xaqiijiyay in gabi ahaan uu goobta ku basbeelay.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa ku dhintay Shan isugu jirta saraakiil iyo askar Kenyaati ah tiro kalane weey kaga dhaawacmeen dowlada Nasaarada Kenya.
Kolanyada Kenyaatiga ah ee qaraxa lala beegsaday oo ka koobnaay ilaa Afar gaari ayaa ka baxay ama ka tagay deegaanka Buusaar waxeyna ku sii jeedeen degmada Ceelwaaq oo ka wada tirsan gobalka Gedo.
Mas,uuliyadda qaraxan lagu burburiyay gaariga Beebaha laguna dilay saraakiisha iyo askarta Kenyaatiga ah waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Calamada.com