Wadanka Kenya waxaa wali ka socda tirinta codadkii ladhiibtay ee doorashooyinkii shalay ka dhacay waxaana laga cabsi qabaa in rabshado ay hareeyaan dhammaan magaalooyinka wadankaasi.
Guddiga doorashooyinka ayaa soo bandhigay natiijo horudhac ah oo muujinaysa in madaxweynaha wadanka Kenya Gaalka Uhuru Kenyatta uu illaa iyo hadda u horreeyo codadka latiriyay, balse waxaa arrinkaasi kasoo horjeestay kooxaha mucaaradka ah.
Railla Odinga gaalka Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in uusan ku qanacsanayn qaabka ay wax usocdaan wuxuuna ku eedeeyay Uhuru xisbigiisa in ay ku shubanayaan codadka.
Isagoo hadlayay ayuu si cad usheegay in musuq maasuq daran uu jiro islamarkaana magaalooyinka qaar codadka iyadoo aan la diiwaan galin isgaarsiinta la jaray oo codad buugaag lagu diiwaan geliyay lalaalay oo aanba latirin.
Rabashado dhiig ku daato ayaa la filan karaa in Kenya ay lugaha lagasho marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada saacadaha soo socda, wararka hordhac ah waxay sheegayaan in Uhuru Kenyatta uu helay 55% halka Odinga uu helay 44% balse waxaa socota tirinta codadka.
Calamada.com
Alaah waxaan weeydiisanaa inoow iskudiro khaan ziirada gacmahooda kuwa isku dhameeya ilaaheey hakadhigo