Wararka ka imaanaya Gobalada Baay iyo Bakool ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab weerar kula jarmaadeen deegaanka Teed oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Xudur waxaana deegaanka Saldhigyo melleteri ku lahaa maleeshiyaad Soomaali ah oo Itoobiya tababartay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dhowr jiha ka weerareen deegaanka islamarkaan weerarkaasi qorsheysan lagu dilay Tobaneeyo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Murtad Shariif Sakiin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydadka Maleeshiyaadka Soomaalida Itoobiya taabacsan uu daadsanyahay gudaha deegaanka, ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa hadda maamulaya deegaanka Teed halka firxadka Maleeshiyaadka maamulka ‘Koonfur Galbeed’ ubaxsadeen dhanka degmada Xudur.
Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gacanta ku dhigay saanad hub ah oo maleeshiyaatka kabo qaadka u ah Amxaarada ay goobta kaga carareen.
Deegaanka Teed ayaa ah istiriraatiiji wuxuuna kala qeybiyaa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur ee gobalka Bakool ee dhanka Konfur Galbeed dalka Somalia.
Calamada.com
allahu akbar walillahilxamdu