Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar Inqimaasi ah ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho kaas oo ka mid ah hoteelada ay dagan yihiin madaxda iyo Saraakiisha DFS.
Weerarkan ayaa lagu daahfuray camaliyad Istish-haadi ah ka dibna ciidamo hubeysan oo inqimaasi ah ayaa gudaha u galay Hotelka, waxaana hadda ay xabad kulul ka socotaa gudaha Hotelka sida ay ilo wareedyo u xaqiijiyeen shabakada Calamada.
Markii ay dagaalyahanadu gudaha u galeen Hotelka ayaa dadkii ku jiray Hotelka waxay u soo yaaceen dhanka ilinka dambe ee Hotelka si ay u baxsadaan, balse waxaa iyagana lala eegtay camaliyad kale oo istish-haadi ah oo dhacday 5 daqiiqo ka dib markii uu howlgalku bilowday.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan waxay sheegtay in ay beegsatay Hotelka Saxafi oo ay dagan yihiin xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, saraakiil amni iyo mas’uuliyiin ka tirsan DFS.
Xabadda ayaa weli ka socota gudaha Hotelka, waxaana dagaalyanada lagu soo waramayaa in ay toogasho ka wadaan qololka Hotelka, welina ciidamada DFS uma suuragalin ay gudaha u galaan dhismaha oo ay soo afjaraan weerarka.
Calamada.com
alaahu akbar alaahu akbar murtadiinta degen hoteel saxaafi camaliyada lagu qaadey aad baan u sodhoweynaya madaama ay yihiin kuwo sheegtey sharcidejiyaal in lalaayana waa xaq
اللهم تقبل عمليتهم الإستشهادية ولاتفتنى بعدهم