War rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyey in Guutada Iqtiyaalaatka ee Mujaahidiinta ay subaxnimadii hore ee saaka magaalada Boosaaso ka fulisay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday agaasimihii Shirkadda DP world.
Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa idaacada Andalus usheegay in howlgalkaas lagu dilay Paul anthony Fermosa oo ahaa agaasimaha shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka isu taga Imaaraatka Carabta, xooggana ku haysata dekeda Boosaaso
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay weerarada lagu beegsanayo shirkadaha Shisheeye ee calooshood u shaqaytayaasha ah ee boobka iyo faragelinta ka wada Soomaaliya, doonaya in ay la wareegaan kheyraatka iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhowrjeer digniino u dirtay hay’adaha iyo shirkadaha ku howlan boobka ka dhanka dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, waxaana weerarkan uu imaanayaa iyadoo Xarakadu ay dhawaan ku goodisay in ay talaabo adag ka qaadi doonto hay’adaha ku howlan falalkaasi gurracan