War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa lagu sheegay in la hakiyay dhammaan howlihii Xerada Xalane laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9,November 2017 islamarkaana uusii xirnaan doono illaa 13-November 2017.
Taliska Shisheeyaha waxa uu sheegay in shaqada laga joojiyay inkabadan 1500 qof oo ka mid ah shaqaalaha shirkadaha ka shaqeeya Xerada Xalane iyo dhammaan Hoteellada ku dhow garoonka diyaaraha.
Kufaarta waxay si gaar ah digniin ugu jeedisay shirkadaha shisheeye ee ka dhax shaqeeya xarunta Xerada Xalane iyo shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho waxayna sheegtay in howlgalkan ay fulinayaan ciidamada Sectar1 kuwaas oo awood loo siiyay in ay baaritaannada u adeegsadaan Eeyaha.
Qoraalka waxaa ku saxiixnaa wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, Waxaana cinwaan looga dhigay “Xeridda Saldhigga Laga Bilaabo 9-ka Ilaa 13-ka Nov” Wuxuu ka kooban yahay marka afar qodob.
Qodobka koowaad waxay ku sheegeen in Ciidamada AMISOM ay sameyn doonaan howlgal amni oo ballaaran oo gudaha Xerada laga sameynayo kaas oo socon doona laga bilaabo maanta oo ah 9-ka bisha Nov Islamarkaana socon doona illaa 13-ka bisha Nov. Waxay qodobkan ku yiraahdeen “si loo xaqiijiyo in howlgalku qabsoomay si faragelin la’aan ah, waa la joojin doonaa dhammaan shaqada dhismaha iyo ganacsiga ka socda gudaha Xerada, taas waxaa soo gelaya in xerada loo diido in ay soo galaan shaqaalaha qaranka, lagana mamnuuco gaadiidka xamuulka ah ee ka shaqeeya saldhigga, Xeradan lagusoo xaaqo Eeyo ka hortaga qaraxyada, lanasoo rog Bandow, lana sameeyo bar koontaroollo dheeraad ah oo laga hirgelinayo hareeraha xerada.
Qodobka 2-aad waxaa lagu yiri:
Hadaba sidaas darteed waxaa la idinkula talinayaa in aad joojisaan dhammaan shaqada dhismaha iyo ganacsiga ka socda Marine MovCon, Garoonka, Eeriyada gaadiidka lagu dhaqo, iyo dhammaan dukaamada kale ee ku yaalla gudaha saldhigga inta lagu gudajiro waqtigaas la xadiday, Isla qodobkaan labaad waxay ku yiraahdeen: inta lagu gudajiro Xiritaankan waxaan saaxiibadeena, Safaaradaha, Qandaraaslayaasha, Shirkadaha iyo dukaamadaha ka codsaneynaa in ay qaataan talaabooyinka soo socda:
A.In ay soo gudbiyaan tirada dhamaan gaadiidkiina (Xamuul iyo mid yarba) ee u yaalla gudaha xerada iyadoo ay soo cusbooneysiisanayaan Taargada gaadiidka, kuna soo xiranayaan mida sanadka cusub ee imaan doonta 2018-ka.
B.In ay tiriyaan, soona gudbiyaan macluumaadka dhaman shaqaalahooda hadey yihiin kuwa caalami ah iyo kuwo maxali ah, soona gudbiyaan wadamada ay ka soo jeedaan iyo dhalashadooda.
C.Hotellada iyo guryaha la dagan yahay ee ku yaalla xerada waa in ay soo gudbiyaan liisaska macaamiishooda, Waxaana tani ay noqon doontaa bey dhaheen mid joogta ah oo Hotelada aan kula xisaabtami doono.
D.In ay u ogolaadaan ama u fududeeyaan Team-ka Eeyaha ee AMISOM iyo UN-ka in ay fatashaan ama baaraan guud haan Hotelada iyo xarumahooda si ay u baaraan haddii Qaraxyo ama hub lagu qariyey goobta.
E.In la joojiyo shaqo dheeraad ah inta lagu gudajiro mudadan xitaa haddii wax la kala kireystay ka hor go’aankan.
F.In ay keenaan Dareeska ama Uniforms-ka ay qaataan shaqaalaha iyo kaararkooda aqoonsiga.
G.Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay ee ka howlgala gudaha Xerada waxaa iyagana lagu amray in ay keenaan liiska guud ahaan hubkooda iyo leysanka ay ka heystaan dowlada Federaalka.
Arintan gabagabada iyo kala guurka ah waxay sheegeen in ay socon doonto muddo saddex maalin oo intaan howl ah lagu soo afjari doono, islamarkaana shaqadu ay caadi ku soo noqon doonto wixii ka dambeeya 13-ka Nov. 2017-ka. Qoraalkan waxaa loo diray qaar ka mid ah hay’adaha iyo shirkadaha ka howlgala magaalada Muqdisho, qaarkood ayaa baraha bulshad aiyo mareegaha internetka soo geliyey, waxaana mesha ugu dambeysay ku xusan qaar ka mid ah shirkadaha loo diray waxayna kala yihiin:
Xarunta dhexe ee AMISOM oo halkaas ku shaqeysa.
Saaxiibada AMISOM iyo Xulifadeeda oo ay Reergalbeedka ay kala jeedaan
Dhamaan shirkadaha ka howlgala garoonka diyaaradhaa ee Muqdisho.
Marine Shop Operators oo iyagana halkaas xarun ku leh.
Dadka ka shaqeeya Goobaha lagu dhaqo gaadiidka
Iyo dhamaan dadka ka shaqeeya Dukuumada ku yaalla halkaas.
Arrintan ayaa imaanayasa xilli maalmo ka hor ay dowladda Mareykanka ay ku amartay muwaadiniinteeda in ay si degdeg ah uga baxaan magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha.