Wararka naga soo gaaraya gobolka Lamu ee ku hoosjira gumeysiga dowladda saliibiyada ah ee Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan laba ruux oo gaallo Kenyaati ah lagu dilay halkaas ka dib howlgal qorsheysan oo ay Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Howlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Sangaa’iloow iyo Ijaara oo ka tirsan gobolka Lamu ayaa lagu beegsaday gaari Bas ah oo ay la socdeen Rakaab ka soo baxay gobolka Lamu.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa Istaajiyey Baska, ka dibna soo dajiyey dhamaan dadkii saarnaa gaariga, ka dibna kala soocay Muslimiinta iyo gaalada sida ay noo sheegeen Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta.
Warbaahinada dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in dadka laga qaaday kaararkii aqoonsi ee ay wateen, islamarkaana lagu sameeyey baaritaan socday in muddo ah, iyadoona ugu dambeyntii halkaas lagu dilay dadkii gaalada ahaa.
Saraakiisha Mujaahidiintu waxay noo sheegeen in laba ka mid ah Rakaabka ah ay noqdeen dad gaallo ah kuwaas oo durbadiiba goobta lagu khaarijiyey.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sidoo kale u muxaadareeyey dadkii Muslimiinta ahaa ee la socday gaariga, ugu dambeyntiina fasaxay.
Gaariga ayaa istaajiyeen Mujaahidiinta ayaa ka yimid gobolka Lamu, kuna sii jeeday gobolka Garissa sida ay sheegeen warbaahinada dalka Kenya.
Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala gobolada Lamu iyo N.F.D ayaa waayadii dambe kordhiyey howlgalada abaabulan ee ay ku beegsadaan gaalada ku nool deegaanadaasi.
Labadii todobaad ee ugu dambeeyey waxaa goboladaas ka dhacay qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo lagu laayey ciidamada ka tirsan kuffaarta Kenya iyo qaar ka mid ah dadka gaalada ee lagu deegaameyey dhulkaasi.
Xigasho Idaacadda Islaamiga Andalus.
Calamada.com