Wararka ka imaanaya Jaziirada Lamu oo ka mid ah dhulka ay dowlada Nasaarada Kenya xooga kaga heysata dadka Muslimiinta waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah Jaziiradaasi uu ka dhacay weerar khasaara lagu gaarsiiyay dowlada Nasaarada Kenya.
Weerarkan khasaaraha lagu gaarsiiyay Nasaarada Kenya waxaa mas,uuliyadiisa sheegtay Shabaabul Mujaahidiin,iyadoona faahfaahino laga helayo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu gubay sedax gaari oo ay wateen ciidamada Booliska Kenya islamarkaana uu jiro khasaara dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada.
“Mujaahidiinta ayaa weerar lagu gubay sedax gaari oo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya ka fuliyay inta udhaxaysa deegaannada Wittu iyo Gamba ee gobolka Lamu” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Dhinaca kale warbaahinta maxalliga Kenya ayaa sheegtay in laba askari oo booliska katirsan ladilay tira kalana ay dhaawacmeen kadib weerar jidgal ah oo gobolka Lamu ka dhacay.
Weeraradan ayaa imaanaya xilli ammaanka Kenya si aad ah loo adkeeyay islamarkaana munaasabad lagu caleema saarayay Uhuru Kenyatta ay ka dhacday magaalada Caasimadda ah ee Nairobi.
Dowlada Nasaarada Kenya ayaa ka mid ah dowladaha ciidamadooda ay duulaanka ku joogaan dalka Somalia waxeyna dowlada Kenya duulaankeeda ka dhashay dhiig Bax xoogan oo ku socda Nasaarada Kenya iyo weeraro ka dhaca gudaha Kenya.
Calamada.com