Wararka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa tilmaamaya in xaley ciidamada Mujaahidiinta ay weerar xoogan ku qaadeen fariisin maleeshiyaatka Murtadiinta ay ku leeyihiin degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, kaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyey Cadowga.
Weerarkan oo loo adeegsaday boobayaasha, garneelada garbaha laga tuuro iyo bambaanooyin ayaa lagu weeraray fariisinka Shaneemo Cabdi Waayeel sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Mujaahidiinta.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa Allaah fadligii iyagoo saalimiin ah dib uga soo gurtay goobta ka dib markii uu howlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyey.
Cutubyo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa weerarka ka dib soo dabagalay Mujaahidiinta balse waxay ku dhaceen weerar kamiin ah oo ay Mujaahidiinta ugu diyaarsanaa meel u dhow xerada, kaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira lagu gaarsiiyey Cadowga.
Gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa sidoo kale la sheegay in ay soo gaartay waxyeelo xoogan.
Saraakiisha Mujaahidiintu waxay noo sheegeen maleeshiyaatka ay la kulmeen kamiin lagu daahfuray qarax, waxaana halkaas uga dhintay ugu yaraan Saddex askari, halka Afar kalena laga dhaawacay.
Sarkaal lagu magacaabo Khaliif Maxamed Kaahiye ayaa ka mid ahaa Murtadiinta lagu dhaawacay weerarkaasi sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha Mujaahidiinta,
Sarkaalka la dhaawacay ayaa ah mid si weyn looga yaqaano degmada Hiliwaa,kuna caan ah dhibaateynta dadka shacabka Muslimiinta ah.
Sarkaalkan la dhaawacay ayaa ah abaanduulaha maleeshiyaatka Murtadiinta ee ka howlgala qeybo ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Mujaahidiinta Jabhada Wilaayada Islaamiga Banaadir ayaa kordhiyay weerarada xoogan ee ay ku hayaan saldhigyada Murtadiinta ee magaalada Muqdisho.
Xigasho Radio Andalus.
Calamada.com