Howlgaladaan oo ah kuwo Qorsheysan waxey ciidamada Mujaahidiinta ka jihaada magaalada Muqdisho ka kala fuliyeen qeybo kala duwan oo ka tirsan magaalada, waxeyna ku kala beegsadeen saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan Kooxda Ridada Somalia.
Weerarka hore oo ah mid dil ah waxey ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen Xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan,waxeyna ku khaarijiyeen askari ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta, iyagoona ka ganiimeystay qorigii uu watay.
Weerarka Labaad waxey ciidamada Mujaahidiinta si gaar ah kaga fuliyeen agagaarka dhismaha Warshadda Caafi ee Wadada Warshadaha oo ka mid ah wadooyinka ugu waaweyn magaalada Caasimadda ah,waxeyna ciidamada Mujaahidiinta howlgalkan ku beegsadeen sarkaal ka tisan Kooxda Ridada Somalia.
Ciidamada Mujaahdiinta ayaa dhaawacay Muxamed Rashiid oo ah sarkaalka Bartilmaameedka ahaa waxeyna sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta Howlgalkaasi ku dileen askari Murtad ah oo la socday sarkaalka la beegsaday.
Ciidamada Mujaahidiinta ee howlgalkan qorsheysan fuliyay ayaa si nabad ah goobta kaga dhaqaaqay,waxaana ugu dambeyntii dhaawaca iyo Baqtiga Labadaasi Murtad goobta ka qaaday maleeshiyaatka Murtadiinta oo halkaasi markii dambe soo gaaray.
Sarkaalkan ayaa noqnaya sarkaalkii Labaad oo ka tirsan Kooxda Ridada oo muddo 24 saac gudahood ah ciidamada Mujaahidiinta ay ku beegsadaan gudaha magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in qarax ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-controol Afgooye ay ciidamada Mujaahidiinta si halis ah ugu dhaawaceen Bootaan Xuseen Cali oo ah sarkaal ka tirsan Kooxda Ridada Somalia.
Howlgaladan ayaa imaanaya xilli ciidamada Mujaahidiinta ay sii labo jibaareen weerarada ay ku dabar jarayaan saraakiisha iyo maleeshiyaatka Murtadiinta iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta ee duulaanka Shareeco la dirirka ah kusoo qaaday wadanka.
Xigasho Idaacada Islaamiga Al-andalus.
Ilahay haka dhowro isha Cadowga