Howlgalkan oo ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa lagu khaarijiyey Ruqiyo Abshir Gambane oo ahayd xubin ka mid ah golaha dhawaaqiida ee maamulka isku magacaabay Koonfur-galbeed, Waxaana lagu toogtay ilinka hore ee hoogyeeda.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in howlgalkan uu qeybo ka yahay weerarada lagu ugaarsado xubnaha golaha dhawaqiida ee murtadiinta, ee isku tilmaamay inay yihiin sharci-dejiyayaal.
Ciidamada Mujaahidiinta ee fuliyey weerarka ay si nabad ah kaga dhaqaaqay halka uu weerarku ka dhacay.
Maamulka Ashahaada la dirirka ee isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa isagana xaqiijiyey in magaalada Muqdisho lagu khaarijiyey xubin ka mid ah Golahooda Baarlamaanka, Iyagoona dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dadkii ka dambeeyey dilkaasi.
Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa kordhiyey weerarada lagu beegsanayo Saraakiisha kooxda ridada, Waxaana howlgalkan uu imaanaya iyadoo maalin ka hor magaalada lagu khaarijiyey Sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka Ashahaada la dirirka oo lagu magacaabi jiray C/Fataax Macalin Bile ka dib markii qarax xoogan lala eegtay gaari ay la socdeen isaga iyo afar kale oo murtadiin ah xilli ay marayeen degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho