Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarka isugu jira Istish-haadiga iyo Ingimaasiga ee barqo nimadii maanta ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen xarunta Wazaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga oo ku dhaw xarunta madaxtooyada Villa Somalia.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo la wareegay gacan ku heynta xarunta Wazaaradaha ayaa gudaha xarumhaasi iyo ku toogtay xubno kala duwan oo ka tirsan Labada Wazaaradood,sidoo kale qaraxyada ka dhacay albaabka xarunta ayaa sidoo kale lagu dilay tiro fara badan oo ah askarta dowlada Ridada.
Xubnaha dowlada Farmaajo looga dilay weerarkan lagu qaaday xarunta Labadaasi Wazaaradood waxaa ka mid ah Agaasimihii Wazaaradda Arimaha Gudaha Muxamed Axmed Ilkacase iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Farmaajo,sidoo kale saraakiil,askar iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada ayaa ku dhaawacmay weerarkan qorsheysan ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay ku qaaday xarunta Wazaaradaha Amniga iyo Arimaha Gudaha.
Qaar ka mid ah xubnaha Wazaaradaha Xaruntooda la weeraray ee dhimashada iyo dhaawac noqday ayaa iska soo tuuray dabaqa dhismaha Wazaaradaha sababo ku aadan cabsi ay ka qabeen iney u gacan galaan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee soo weeraray xarunta Wazaarada kadibna la gowraca.
Weerarkan ayaa muujinaya fashilka ay dhex dabaalaneyso dowlada Ridada,iyadoo weerarkan uu imaanaya xilli maalmihii dambe madaxda dowlada Ridada ay ku hadaaqayeen iney sugeen Amaanka magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.