Magaalada Muqdisho waxaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay qarax xoogan oo lala eegtay kolonyo uu la socday waziir ku xigeenka waxa loogu yeero wazaarada gaashaandhiga ee kooxda ridada, Cabdullaahi Collaad Rooble, waxaana lagu soo waramayaa in qaraxa uu si dirqi ah kaga bad-baaday waziirka balse ay ku halaagsameen qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Qaraxa ayaa si rasmi ah u heleelay gaari Cabdile ah oo ay la socdeen ilaalada waziirka la beegsaday kuwaas oo uu khasaaraha ugu xoogan soo gaaray.
Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa noo sheegay in kolonyada la beegsaday ka soo baxday xarunta wazaarada gaashaandhiga, islamarkaana uu qaraxu qabsaday xilli ay marayeen agagaarka xero Jarmalka.
Dhanka kale, qarax xoogan ayaa maanta gaari nooca raaxada ah oo la socdeen murtadiinta lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada GarasBaaleey, waxaana lagu so waramayaa in qaraxaas uu ku dhintay hal askari, waxyeelo xoogan lagu gaarsiiyey gaariga la beegsaday.
Xigasho Radio Andalus.
Calamada.com