Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa howgal culus oo isugu jiray kamiin iyo qarax, saacadihii lasoo dhaafay kolonyo ciidamo saliibiyiin Kenyaanti ah lagula beegsaday, duleedka deegaanka Mararani ee dhaca gobolka Laamuu, oo ka mid ah dhulalka muslimiinta balse ay Kenya xoogga ku haysato.
Qaraxa oo si gaar ah u haleelay gaari Kooyal ah oo ay wateen ciidamo saliibiyiin Kenyaan ah ayaa la xaqiijiyay inay ku bakhtiyeen 10 askari oo ka mid ahaa saliibiyiinta Kenya, gaar ahaan ciidanka gaarka ee dowladda Kenya, oo uu ku jiray sarkaal ciidan.
Sidoo kale waxaa howlgalkan isugu jiray qaraxa iyo dhabba-galka ku dhaawacmay 5 askari, oo ka tirsan isla ciidanka gaarka ee Kenya, kuwaasi oo 3 ka mid ah xaaladooda ay aad u liidato, gaariga Kooyalka ah ayaa sidoo kale goobta ku burburay.
Dhanka kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka jihaada wilaayada Baay ee koonfurta Soomaaliya, waxay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxeyna ciidanka xabashida dagaalka kaddib, madaafiic ku garaaceen howdka degmada Diinsoor, waxayna tani muujineysaa inuu jiro khasaare ciidanka xabashida lagu gaarsiiyay dagaalkan, sidoo kale waxay mujaahidiintu dagaal xooggan ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Goof-gaduud Buurey ee hoostaga magaalada Baydhaba.
Dhanka Sh/hoose waxay mujaahidiintu weeraro culus oo safmareen ah ku ekeeyeen saldhigyada saliibiyiinta Uganda ay ka deganyihiin Airport-ka degmada Baraawe, iyo deegaannada Buurcolow iyo No/60, lama hubo haddii ay jiraan khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.