Macluumaad dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar kammiin ah oo saacadihii lasoo dhaafay ay mujaahidiintu u dhigeen kolonyo ka tirsan ciidamada saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay Laamiga dheere Tanariifa ee gobalka Tanariifa.
Weerarkan dhabbagalka ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay wuxuu si gaara uga dhacay inta u dhaxaysa deegaanka Gamba iyo wabiga Tanarifa, waxaana weerarkan jidgalka ah lagu dilay 10 askari oo ka tirsanaa ciidamada kuffaarta Kenya, halka gaadiidna lagu gubay.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiinta oo la hadlay Andalus waxay sheegeen in gaadiidka lagu gubay weerarkaasi ka dhacay gobolka Tanarifa ee waddanka Kenya, ay kala ahaayeen gaari Tow, ah Qooqan iyo mid Caasi ah, howlgalkaasi jidgalka ah ayaana kusoo dhamaaday sidii loo qorsheeyay, halka ciidamada Kenyana ay goobta kala noqdeen jab iyo naasa beel.