Howlgal si heer sare loo qorsheeyay oo ciidamo ka tirsan mujaahidiintu ka fuliyeen waddada isku xirta magaalada caasimadda ee Muqdisho iyo degmada Afgooye oo Sh/hoose ka tirsan, ayay gacanta kusoo dhigeen askari ka tirsan Riddada, gaar ahaan kuwa isku magacaabay Duufaan ee hoostaga hay’adda ashahaada la dirirnimada ku caanbaxday ee NISA ee sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya.
Askarigan murtadka ah ee ciidamada mujaahidiintu kasoo qabteen duleedka Muqdisho, ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Ismaaciil Daahir, wuxuuna ka tirsanaa oo uu la howlgalayay ciidanka aan kor kusoo sheegnay ee Duufaan la magac baxay, waxay mujaahidiintu askarigan la qabteen qori iyo boosh uu watay.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xero ciidan oo maleeshiyaad Riddada ka tirsan ay kaga sugnaayeen deegaanka Arbacow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo socday oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyada Riddada.
Dhanka Baay. waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Goof-gaduud buurey ee hoostaga magaalada Baydhaba, jugta hunka kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalkaasi ayaa laga maqlayay deegaankaasi iyo miyiga fog.