Wararka ka imaanaya wilaayada Hiiraan ee dhacda bartamaha Soomaaliya waxay sheegayaan in dagaallo dhowr jeer lagu jabiyay maleeshiyaadka DF iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda murtadiinta ah ay galabta ka dhaceen duleedka deegaanka Tardo ee wilaayadaas.
Dagaallada oo ahaa kuwa la isku soo noqnoqday dhowr jeer ayaa intaba lagu jabiyay maleeshiyaadka Riddada sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan goobta dagaalka, Waxaana halkaasi khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalladan lagu dilay ugu yaraan 7 askari oo murtadiin ah iyo dhaawaca 8 kale oo uu ku jiro horjeege Macawiisley ah oo lagu magacaabo Cismaan Goodax Shiilaabo, Kaas oo la xaqiijiyay in dhaawaciisu yahay mid garraab ah.
Howlgalkan ayaa qayb ka noqonayo howlgallo silsilado ah oo maanta ka dhacay wilaayaadka Jubbooyinka, Baay iyo Sh/hoose. Kuwaas oo lagu beegsaday cadowga alle.
Sh/hoose guutooyinka qaraxyada Mujaahidiintu waxay qarax culus la beegsadeen hoyga uu magaalada Baraawe ka deganyahay Murtad Qaldaan oo ah taliyaha Booliska ee degmadaas, Inkastoo uu murtadkaasi ka badbaaday qaraxa haddana waxaa la xaqiijiyay dhaawac garraab ah oo soo gaaray murtad lagu magacaabo Jarfaay oo ahaa mid ahaa istaafka sargaalkasi.
Sidoo kale qarax Miino ayay Mujaahidiintu deegaanka Xaawa Cabdi ee isla WI Sh/hoose kula beegsadeen saraakiil miinebaarayaal ah oo ka tirsan ciidamada kuffaarta Afrikaanta.
Dhanka wilaayada Baay waxay ciidanka Towxiidku maanta dagaal ku qaadeen isbaarada maleeshiyaadka Riddada u tiilay deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhaba. Balse inta aysan xabaddu billaaban waxaa cagaha wax ka dayay maleeshiyaadkii ku sugnaa goobta isbaarada.
Ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal ku qaadeen fariisinka maleeshiyaadka Ridada ee deegaanka Buundada Daariq ee duleedka magaalada Kismaayo. Waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaasi uu ku dhaawacmay hal askari oo murtad ah.