Howlgal qorsheysan oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen degmada Waajid ee wilaayada Bakool ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Riddada, oo ku sugnaa goob fariisin ah oo ay ku qayilayeen, halkaas oo lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan murtadiinta looga dilay laba askari, oo lagu kala magacaabi jiray Aadan Bare iyo Xasan Cabdi, halka sidoo kale mujaahidiintu ku dhaawaceen hal murtad oo ah sarkaal ciidan, kaasi lagu magacaabo Nishow, waxaana weerarkaasi lagu soo qaniimeystay laba qori oo AK47 ah.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.