Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen saldhig ciidamada kufaarta ah ay kaga suganyihiin degmada Ceel-qaalow oo ka tirsan gobolka Mandheera.
Jugta madaafiicda iyo jabaqda rassaasta ee la isku adeegsanayay dagaalkaasi ayaa laga maqlayay xaafadaha degmada Ceel-qaalow, waxaana gudaha xeradaasi ka dhacay dagaal xooggan oo in muddo ah socday una dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo ciidamada kuffaarta Kenya.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya, xilli maalmo ka hor ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ay weerar ku qaadeen xerada maleeshiyaad murtadiin Soomaali ah oo ay tabobaratay dowladda Kenya ay ka deganaayeen deegaanka Kutaayo oo ka tirsan degmada Ceel-qaalow ee gobolka Mandheera, halkaas oo mujaahidiintu kula wareegeen gacan ku haynta deegaankaas, sidoo kalena ku bururiyeen isgaarsiinta Safaricom ee deegaanka Kutaayo.
Dhanka Baay ee dhacda Koonfurta Soomaaliya, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee xero koowaad, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.