Ciidamada gaarka ah ee mujaahidiinta ayaa howlgal gaar ah oo galabta ay ka fuliyeen xaafadda Godeey Makane ee degmada Yaaqshiid ku khaarajiyay waziir hore oo ka tirsanaa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Hirshabeelle.
Howlgalkan oo Allaah fadligii u dhacay sidii loo qorsheeyay ayay ciidanka mujaahidiintu ku dileen wasiirkii hore ee beeraha maamulka Riddada ee fadhigiisu yahay Jowhar, murtadka la oran jiray Xasan Axmed Muudeey, ilo wareed ka tirsan saraakiisha ciidanka mujaahidiinta waxay inoo sheegeen in waziirkaasi ay ciidamada mujaahidiintu dhowr xabbadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka, taas oo keentay in goobta uu ku qurbaxo.
Ciidamadii mujaahidiinta ee howlgalkaasi gaarka ah fuliyay ayaa si nabdoon goobta kaga dhaqaaqay, waxaana goor dambe goobta soo gaaray maleeshiyaad murtadiin ah, kuwaas oo goobta ka qaaday bakhtiga waziirka murtadka ah ee ay mujaahidiintu dileen, saacadihii lasoo dhaafay ayay markii howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ay ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar ay ku khaarajiyeen madaxii Canshuuraha maamulkaasi ugu magacaaban gobolka Sh/dhexe, murtad Daahir Maxamed Kaanti.