Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay weerar qarax ah la beegsadeen bar Control oo maleeshiyaadka Riddada ee dhowaan murtad Xasan Sheekh uu ku wareejiyay Amniga caasimadda ay ka samaysteen deegaanka Waydoow ee duleedka Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa si wanaagsan u asiibtay barta kaantarool ee maleeshiyaadka murtadiinta, lamana helin faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka.
Dhanka wilaayada Jubbooyinka waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada saliibiyiinta Kenya ee deegaanka Taabto, waxay sidoo kale mujaahidiintu dagaal kan la mid ah ugu ekeeyeen xerada ciidanka xabashida Itoobiya ee degmada Xudur.
Dhanka dhulka NFD ee ay Kenya gumeysato waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen fariisin ciidan oo ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaanka Dhamase oo hoostaga degmada Lafey ee gobolka Mandheera.