Ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Banaadir waxay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho waxay ku khaarajiyeen murtadAxmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheeraa Axmed Duqow, kaasi oo ahaa guddoomiyihii hore ee arrimaha bulshada degmada Jowhar ee maamul gobaleedka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Hirshabeelle..
Dhanka Jubbooyinja, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weerar kammiin u dhigeen kolonyo maleeshiyaad murtadiin ah oo ku socdaalayay agagaarka Buunda daariq, kuna sii jeeday deegaanka Baarsanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, gaari booyad ah oo ay wateen kolonyadaasi ayay waxyeello xooggan kasoo gaartay weerarka mujaahidiinta.
Dhanka Gedo, ciidamada mujaahidiintu waxay dagaal xooggan ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee Baraxow degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.