Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay qaadeen weeraro culus, kuwaas oo lagu miray saldhigyo ciidan oo murtadiinta iyo ciidamada kuffaarta Afrikaanta ah ay kaga suganyihiin qaybo ka mid ah gobollada Baay, Sh/hoose iyo Jubbada hoose.
Weerarka koowaad oo ahaa mid qorsheysan waxay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen xero 1-aad oo maleeshiyaadka murtadiinta ah ay ku leeyihiin degmada Diinsoor, dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka Jubbada hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xero ciidan oo saliibiyiinta Kenya kaga suganyihiin deegaanka Hosingow, dhawaqa hubka kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalkaasi ayaa si wayn looga maqlayay goobaha miyiga ah ee ka fog-fog deegaankaasi.
Sidoo kale waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Yugaandha kaga suganyihiin Airport-ka degmada Baraawe iyo xeryaha ciidan ee Riddadu kaga suganyihiin buundada yar ee degmada Afgooye iyo buundada deegaanka Bariire ee hoostaga degmadaasi Afgooye ee Sh/hoose.