Mujaahidiintu waxay maanta weerar qarax ah la beegsadeen gaari uu la socday mid ka mid ah saraakiisha maamulka murtadiinta ugu magacaaban degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa haleelay gaariga uu la socday Ibraahim Muxiyadiin Macow oo ah xoghayaha maamulka Riddada ee degmada Kaxda waxaana la sheegay in uu ka badbaaday weerarka qaraxa.
Sidoo kale Howlgal qorsheysan oo ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Dabakaaya madow degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Riddada.
Dhinaca kale ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay weerar qarax ah la beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Riddada oo ku socdaalayay duleedka deegaanka Masaajid Caliguduud ee wilaayada Sh/dhexe, Waxaana inta la xaqiijiyay qaraxaasi ku dhintay 1 askari halka sidoo kale ay Mujaahidiintu weerarkaasi kusoo furteen 2 qori AK47 ah iyo gaadiidka mootada loo yaqaan.