Ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo ah qarax ah ka fuliyeen gudaha garoonka diyaaradaha macmalka ah ee degmada Buulo-burte, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Riddada.
Howlgalkan qarax ah ayaa Allaah fadligiis sidii loogu talagalay u beegsaday maleeshiyada murtadiinta ee ku sugnaa gudaha garoonka diyaaradaha ee degmada Buulo-burte, waxaana lasoo wariyay khasaare kala duwan oo qaraxaas kasoo gaartay askarta Riddada.
Dhanka Mudug, waxay ciidanka mujaahidiintu weerar culus oo duqayn ah oo loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin magaalada Camaara, waxaana duqayntaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay laba qarax ku weerareen guriga uu magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka ka dagganyahay wasiirka Amniga maamulka ashahaada la dirirka Puntland, Ibraahim Cartan (Xaaji Bakiin).