Howlgal qarax ah oo qorsheysan ayay ciidamo ka tirsan guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin maanta la eegteen maleeshiyaad badan oo murtadiin ah, kuwaas oo ku sugnaa goob isku imaatin ah oo kutaal gudaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Howlgalkan qaraxa ah ayaa Allaah fadligiis beegsaday maleeshiyo kor u dhaafayey ilaa 40 askari oo ku sugnaa goobta isku imaatinka u ah, waxaana inta la xaqiijiyay lagu dilay 15 askari oo murtadiin ah, halka ay jiraan dhaawacyo intaasi ka badan oo murtadiinta gaaray.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ku beegsadeen kolonyo murtadiin ah, halkaas oo ay Allaah fadligiis ku dileen 12 murtad oo ay ku jiraan laba sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Soomow oo ahaa taliye xigeenkii maleeshiyaadka waxa loogu yeero Daraawiishta Riddada ee degmada Bardaale iyo Ibraahiim Cali Aadan oo loo yaqaan ibraahim Rakow, oo isagana ahaa madaxii Lacagaha baadda ee maamulka Riddada ugu magacaaban deegaanka Awdiinle, shan kale ayaa la dhaawacay.