Guutada qaraxyada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Hiiraan, waxay weerar qarax ah ku weerareen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad murtadiin ah oo kutaal magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo si gaar ah kaga dhacay buundada wayn ee degmada Beledweyne waxaa la xaqiijiyay in uu dhaawac kasoo gaaray 1 askari oo murtad ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Muumin.
Dhanka Sh/hoose waxay Mujaahidiintu weerar abaabulan ku qaadeen saldhigga ciidanka Kuffaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Yugaandha ay kaga suganyihiin deegaanka Buur-colow ee hoostaga degmada Baraawe, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale waxay ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Baay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay ka deganyihiin deegaanka Goof-gaduud Buurey ee duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, lama helin faahfaahin intaas ka baxsan.