Inta la xaqiijiyay laba sarkaal oo ka tirsan dowladda Kenya ayay la tageen daadad xooggan oo ka dhashay fatahaado uu sameeyay wabiga Ramisi oo mid ka mid ah wabiyada mara waddankaasi Kenya.
Saraakiishan oo si gaar ah uga tirsanaa hay’adda canshuuraha Kenya ee loo yaqaan (KRA) ayaa la sheegay in la waayay ka dib markii gaari ay wateen ay la tageen daadad xooggan oo ku dhuftay deegaanka Ramisi ee gobolka Kwale.
Labadan sarkaal Kenyaanka ah ayaa kasoo ambabaxay magaalada Lunga-Lunga, waxaana la wariyay inay kusii jeedeen magaalada Mombasa, saraakiil iyo xubno masuuliyiin ah oo ka tirsan dowladda Kenya ayaana sheegay in aan raq iyo ruux toona lagu haynin saraakiishan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiishan ay ku dhinteen daadadka, hayado kala duwan oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay inay ku howlanyihiin inay helaan raqda ama ruuxda saraakiishaasi.