Taliyeyaasha ciidamada sirdoonka iyo millatariga dowladda saliibiyadda ah ee Kenya ayaa socdaal aan lasii shaacin ku tagay magaalada Kismaayo oo ah xarunta maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, ahna taliska ugu wayn ee ciidamada Kenya ku leyihiin Soomaaliya.
Saraakiisha ciidan ee ugu sarraysa hay’adaha difaaca iyo sirdoonka Kenya ayaa ujeedka ay Soomaaliya u yimaadeen lagu sheegay qiimayn guud oo ay ku samaynayaan xaaladda ciidamadooda ku sugan Jubbooyinka iyo Gedo.
General Francis Omondi Ogolla oo ah taliyaha ciidanka millatariga Kenya ayaa intii uu ku sugnaa gudaha Kismaayo la kulmay madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland murtad Axmed Madoobe, isagoo kala hadlay xaaladda amni ee ay ku suganyihiin ciidamiisa ku sugan Gedo iyo Jubbooyinka.
Socdaalka saraakiishan Kenyaanka ah ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Kenya ay waalac xooggan ka muujinayso mustaqbalka ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, maadama lasoo gabagabaynayo howlgalkii ashahaada la dirirnimo ee ATMIS, howlgalkan ayaana ahaa mid ay ku gabbaneysay dowladda Kenya, markii ay ku fashilantay duullaankii ay ciidamadeeda kusoo galeen Soomaaliya, bartamaha bishii Oktober 2011-kii.
Kenya ayaa ka mid ah isbihaysiga saliibiga ah ee loo bixiyay (ATMIS), ciidamada millatariga Kenya ee KDF-ta ayaa qayb ka ah ciidamada laga saarayo waddanka dabayaaqada sannadka soo socda ee 2024-ka, maalmo uun kahor ayay ahayd markii ay banneeyeen saldhiggii ay ka deganaayeen deegaanka Girilley ee ka tirsan wilaayada Gedo.