Wararka caawa ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in murtad Cabdicasiis Maxammed Maxamuud oo ahaa taliye ku xigeenka howlgalada Wazaarada gaashaandhiga kooxda Riddada Soomaaliya uu u geeriyooday dhaawac culus oo ay mujaahidiintu ugu gaysteen howlgal qorsheysan oo dhowaan ka dhacay caasimadda.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in sarkaalkan oo sidoo kale la howlgalayay Drone-ka dowladda saliibiyada ah ee Maraykanka oo 3 cisho ka hor uu dhaawac culus kasoo gaaray howlgal ay mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Korontada ee degmada Wadajir uu caawa u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray howlgalka mujaahidiinta.
Ilo wareedyadu waxay intaa ku dareen in sarkaalkaan uu sidoo kale ahaa madaxa howlgelinta maleeshiyaadka Danab oo ah murtazaqo uu soo carbiyay Maraykanka. murtadkan oo si dhow ula shaqaynayay sirdoonka saliibiyiinta Maraykanka ayaa tabobaro kala duwan kusoo qaatay waddanka Maraykanka.