Ciidamada jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Galgaduud waxay galabta weerar culus oo kamiin ah u dhigeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen masuuliyiin ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Qoor Qoor, Mahad Salaad iyo Wasiirka Gaashaadhiga kooxda Riddada murtad Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Weerarkan barakaysan ee dhabba-galka ah ayaa si gaara uga dhacay deegaanka Bulacle ee dhaca duleedka degmada Dhuusamareeb, xilli ay kulanyadaasi murtadiinta ah kusii jeedeen xarun goboleedka gobolka Galgaduud, saraakiisha ciidanka mujaahidiintu waxay soo sheegeen inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaaray maleeshiyaatkii la socday masuuliyiinta la beegsaday.
Ciidamada shabaabul mujaahidiin waxay dhanka kale caawa weerar xoogan oo madaafiic ah ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaad Riddada ay ka sameysteen deegaanka Ceel-lahelay ee ka tirsan wilaayada Galgaduud.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiinta dib ula wareegeen degmada Ceel-garas ee wilaayada Galgaduud kadib markii ay isaga carareen maleeshiyaad murtadiin ah oo maanta duullaan kusoo qaaday degmadaasi.
Dhanka Jubbooyinka, Diyaarad drone ah gaar ahaan nooca wax basaasta oo ay leeyihiin dowladda Mareykanka ayaa kusoo dhacday agagaarka deegaanka Beer-xaani ee hoostaga duleedka magaalada Kismaayo, waxayna mujaahidiintu gacanta ku dhigeen diyaaradda oo Fayow.