Ciidamada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya ayaa weerar culus oo toos ah ku qaaday saldhig ciidan oo ciidamada saliibiyiinta Kenya ay ka deganyihiin xaafadda Buulo 4 oo ka tirsan magaalada Xagardheer.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in dagaalka markii uu muddo kooban socday kaddib ay ciidamada Kuffaarta Kenya gabi ahaanba isaga carareen saldhigga, ciidamada mujaahidiintu waxay Allaah fadligiis gabi ahaan ba gubeen saldhigga iyo waxii agab ahaa ee ay kaga carareen ciidamada kuffaarta Kenya.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Yugaandha ay kaga suganyihiin degmada Jannaale, waxay sidoo ciidamada mujaahidiintu weerar ku ekeeyeen saldhigga murtadiinta ee deegaanka Jaziira oo ah deegaan dhaca waddada xeebta ah ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.