Warsaxaafadeed kasoo baxay Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku qornaa luuqadda English-ka ayaa lagu sheegay in mu’asasada Alkataa’ib ay baahin doonto muuqaal documentary ah oo la daawan karo muddo saacad ah, kaas oo 30 sano kadib lagu soo bandhigayo riwaayada saxda ah iyo xaqiiqda duullaankii 1993dii uu Mareykanku soo qaaday Soomaaliya, sida Allaah fadligii ay dadka Soomaaliyeed jilibka ugu aasteen kahortagga duullaankaas, dhulkana ugu jiideen ciidamada saliibiyiinta.
warsaxaafadeedka maktabka warfaafinta waxaa lagu yiri” “30 sano kaddib dagaalkii Muqdisho iyo dulmiga weli sii socdo ee Mareykanka, Dadka Soomaaliyeed iyo wiilashooda Mujaahidiinta ah waa kuwo weli ku taagan dhabaha jihaadkooda ka dhanka ah saliibiyiinta Mareykanka, 30 sano kahor, bishan oo kale ayey ahayd Markii Mujaahidiinta iyo dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ay Allaah fadligii wadooyinka Muqdisho ku jiideen bakhtiga Askarta Mareykanka, islamarkaana laayeen in ka badan 80 askari, sidoo kalena soo rideen 3 diyaaradood oo Black Hawk down loo yaqaan” ayaa lagu yiri bayaanka.
War Saxaafadeedka oo sii socda ayaa lagu yiri: “Inkastoo dhacdooyinkan taariikhiga ah ay caalamka oo idil usoo bandhigeen fuleynimada iyo taagdarada saliibiyiinta Mareykanka, Hadana dhanka kale, waxay banaanka soo dhigeen beenta iyo marin habaabinta Mareykanka, iyagoo iska dhigaya inay yihiin cudud geesinimo ka muujisay Soomaaliya, Iyadoo laga ambaqaadayo dhacdooyinkan, waxay Mu’asasada Alkataa’ib dhowaan baahin doontaan muuqaal documentary ah oo la daawan karo muddo saacad ah, kaas oo lagu soo bandhigayo riwaayaatka dhabta ah ee dagaalkii Muqdisho 1993-kii, dulmigii uu Mareykanku kula kacay dadka Soomaaliyeed, iyo dowrkii ay Muslimiintu ku lahaayeen in afka ciidda loo daro awoodda dowladda isku tilmaanta tan ugu tunka weyn caalamka”
Muuqaalka ay ballan qaaday Mu’asasada Alkataa’ib ayaa la filayaa in la baahiyo maalmaha soo socda, waxaana uu soo bandhigayaa xaqiiqda dagaalkii Muqdisho ee 1993-kii, kaas oo riwaayaatka kala duwan laga tebiyo, siyaabo kala duwan uga kala hadlaan qorayaasha reergalbeekda iyo kuwa Soomaaliyeed.
Halkan Ka Degso Bayaanka Ballanqaadka Ah.