War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 10 askari maleeshiyaadka Cadawga looga dilay dagaalka halka tobanaan kalane looga dhaawacay.
“Dagaal ay Murtadiintu lagaleen maleeshiyaad Ashahaadda ladirir murtadiin ah oo ay taageerayaan ciidamada Saliibiyiin Mareykan ah ayaa kusoo dhammaaday duleedka deegaanka Cammaar ee wilaayada Mudug, illaah Fadligiis cadawgu waa jabay oo goobta dagaalka waxay uga carareen 5 Meyd hubkii ay wateena mujaahidiinta ayaa qaniimeystay†ayuu yiri Sarkaal u hadlay xarakada Al Shabaab oo codkiisa lagasii daayay idaacadda Andalus.
Ilo wareedyo Mas’uul ah ayaa xaqiijiyay in ciidamada huwanta ah iyagoo jabay ay dib ugu laabteen deegaanka Cammaara, dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in ciidamada Galmudug iyo Puntland ay Cammaara geeyeen Meydadka 5 Askari.
Goobta lagu dagaallamay waxaa lagu arkay Meydadka 5 askari, ciidamo Mareykan ah oo wata gaadiid qafilan ayaa dagaalkii Cammaara ka qeyb galay iyagoona dagaal gelinayay maleeshiyaadka maamullada Galmudug iyo Puntland oo markii ugu horraysay iyagoo midaysan duullaan ku qaaday maamulka islaamiga ah ee ka arrimiya magaalada Xarardheera iyo deegaanada hoos yimaad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dowladda Mareykanka ay shalay gelinkii dambe illaa iyo xalay ku degayeen deegaanada Cammara iyo Ceel-huur halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo melleteri ka socdeen.