Fagaare kuyaal degmada Galhareeri ee gobolka Galguduud waxaa maanta gelinkii dambe ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay nin basaas u ahaa sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaadiga Maxkamadda Islaamiga wilaayada Galguduud ayaa goob fagaare ah ka akhriyay eedaymo basaasnimo ku saabsan oo loo heystay Xasan Daahir Mire oo ahaa 23 sana jir.
Ninka ladilay ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu basaas u ahaa sirdoonka dowladda Federaalka ee PS-ta loo yaqaan, waxaa loo xilsaaray in uu xog ka keeno wilaayaadka Shabeelaha dhexe iyo Galguduud islamarkaana uu lacago dollar ah ku qaatay mashruucaas basaasnimada ah.
Eedaysane Xasan Daahir ayaa gacanta lagu dhigay isagoo aan fulin shaqadii loo xilsaaray wuxuuna maxkamadda ka hor qiray in uu soo shaqa geliyay sarkaal katirsan sirdoonka dowladda kaasi oo lagu magacaabo Xasan Baasto.