Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ku beegsanayso maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee dowladda Mareykanku tababartay kuwaas oo qeyb ka ah duullaanka shisheeye ee dalka lagusoo qaaday.
72-dii saacadood ee lasoo dhaafay ayaa Lix qarax lagu beegsaday maleeshiyaadka Mareykanku tababaray weeraradaas oo ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, weerarada oo isugu jiray jidgal iyo qaraxyo ayaa gallaaftay nolosha ugu yaraan 11 askari iyo dhaawaca 10 kale.
Weerarada ugu khasaaraha badan waxay ka dhaceen deegaannada Warmaxan,Weydoow iyo Wanallaweyn oo dhammaantood katirsan Sh/Hoose, sidoo kale weeraro ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo ayaa sababay dhimashada ugu yaraan hal askari Bangaraaf ah.
Wararku waxay intaas ku darayaan in weerarka ka dhacay Baar Sanguuni lagu beegsaday kolonyo ciidamo American ah oo ay qeyb ka ahaayeen maleeshiyaad Soomaali ah iyo ciidamo katirsan Melleteriga Kenya.