Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay mid kamida Xildhibaannada Maamulka isku magacaabay ‘Puntland’.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ladilay Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin Daahir oo kamid ahaa Golaha Baarlamaanka ee Fadhigoodu yahay magaalada Garoowe.
Xildhibaanka iyo askariga ilaalada u ahaa lagu weeraray kasoo horjeedka Hotel Clasic ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, taliyaha Booliska gobolka Mudug ee dhanka maamulka ‘Puntland’ ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Xildhibaan Cabdi Xakiim uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray rasaas lagala helay qeybta sare ee jirka wuxuuna ku qur baxay isbitaalka Gaalkacyo oo isagoo dhaawac ah lageeyay.
Dhinaca kale War rasmi ah oo kasoo baxar Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayey ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii xildhibaanka lagu dilay, Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu ay khaarijiyeen xildhibaanka oo ay ku sheegtay Murtad Daaquud ah.
“Mujaahidiinta ayaa xidlhibaan katirsan maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland ku dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, alle mahaddii howlgalku wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyay” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab kasoo baxay.