Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada nabadsugida ayaa saaka lagu dilay nawaaxiga isgoyska Maana-Booliyo ee Degmada Shibis ee Muqdisho.
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu mgacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali, waxaana uu xilal sar sare horey uga soo qabtay hay’ada Nabadsugida Calool’uusta Muqdisho, waxaana xilligii la dilayay uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn gurigiisa.
Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada khaarijinta Sarkaalkaas ka tirsanaa Nabad sugida, sida uu Idaacada Islaamiga ah ee Al Andalus u sheegay afhayeenka Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abu Muscab’waxaana uu wacad ku maray iney sii kordhinayaan weerarada ka dhanka ah saraakiisha Murtadiinta.
Dilka Sarkaalka ka tirsan Nabadsugida ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha cusub ee Dowlada Maxamad Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Mujaahidiinta la dagaalamaysa cadawga dalka kusoo duulay, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay sii xoogeystay ugaarsiga ay Mujaahidiintu ku hayaan masuuliyiinta iyo ciidamada dowlada iyadoo tobaneeyo kamid ah dowlada Ridada lagu dilay weeraro kala duwan oo ka dhacay Muqdisho.
Xigasho Idaacada Andalus.com
Calamada.com