Xafiiska Warfaafinta Xarakada Al Shabaab ayaa bayaan kasoo saaray weeraro dhiigbadan ku daatay oo shalay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne ee dalka Soomaaliya.
Bayaanka oo ku qoran luqadaha English-ka iyo Soomaali ayaa lagu sheegay in weerarkii xalane lagu dilay 17 qof oo 4 kamida ay ahaayeen saraakiil caddaan ah halka 13-ka kale ay ahaayeen ciidamo katirsan AMISOM.
Sidoo kale bayaanka ayaa lagu faah faahiyay qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaana bayaanka lagu sheegay in weerarada Beledweyne ay ku dhinteen 47 ruux halka 90 kale ay ku dhaawacmeen.