Amniga Dalka Kenya Gaar ahaan Magaalada Nairobi ee Caasimada wadanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu daadiyay ciidamo aad ubadan oo katirsan Booliska iyo kuwa Nabad sugidda.
Markii Labaad ayaa maanta madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa loo caleemo saarayaa xafiiska Madaxtinimada Wadanka Markii uu ku guuleystay doorasho ku celis ahayd oo ka dhacday dalka Taasi oo ay qaadaceen mucaaradka Kenya.
Ku xigeenka Kenyatta, William Ruto, ayaa sidoo kale maanta la dhaarin doonaa.
In ka badan 20 hogaamiye oo ay ku jiraan wasiirro iyo madax sare ayaa la filayaa inay ka soo qayb galaan Caleemo saarka.
Hoggaamiyeyaasha Shisheeye ee la filayo in ay ka qaybgalaan Caleemo saarka Uhuro Kenyata ayaa waxaa kamid noqon doona ra’iisal wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu, Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame,Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, oo ku adkeeysanaya in Musuqmaasuq uu hareeyay dorashada islamarkaana iyagu aysan ka qeybgalin ayaa ku baaqay taageerayaashiisa in ay qaadacaan caleemo saarka.
Saraakiisha Booliska ayaa ka digay inay dhacaan rabshado mudada ay socoto Caleemo saarka.
Kenya oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa waxa ay lakulantay faragalinteeda soomaaliya weeraro naafeeyay dhaqaalaha waxaana soomaaliya looga dilay ciidamo aad ubadan iyagoo bilaabay dib ugurasho.