Sida aan halkan ku baahin jirnay bishan barakaysan ee Ramadaan waxay idaacadda islaamiga ee Andlaus sannadkan 1445 Hijri, sida looga bartay ay qabatay barnaamijkii thaqaafiga ee Tartan-aqooneedka, oo ah barnaamij aad u xiiso badan, kuna tartamaan majmuucaad kala matalaya wilaayaadka islaamiga ah, sannadkan 1445H barnaamijka waxaa ku tartamay 10 majmuuco oo ka kala socda wilaayaadka islaamiga ah, waxaana habeen walba miiska idaacadda isku arkayay shan tartameyaal halka shanta kalena ay qaadanayeen habeenka xigay.
Idaacaddu waxay xalay si rasmi ah usoo gabagabeysay barnaamijak Tartan-aqooneedka oo sida aan barnaamijkii kan ka horreeyay ku sheegnay in is-reeb-reebkii habeen hore ay kusoo baxday wilaayada islaamiga Galgaduud, sidaas na ay ku buuxisay kaalinta saddexaad, maadaama horay ay usoo baxeen kaalmaha koowaad iyo labaad, tarmayeyaasha ayaa ugu dambayn la guddoonsiiyay abaalmarino.
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Gabagabada Tartan-aqooneedka Andalus.