Ciidamada guutada madaafiicda mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada wilaayada Banaadir, waxay weerar culus oo madaafiic ah ku mireen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ku leeyihiin deegaanka Arbacoow ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Waxaa la xaqiijiyay in madaafiicdu sidii loogu talagalay u beegsadeen bartilmaameedka xerada, waxaana taasi daliil u ah in gudaha saldhiggaasi uu ka kacay holac, sidoo kalena la arkayay uuro madow oo cirka isku shareertay, kaddib markii ay xeradu kusoo dhaceen madaafiicda mujaahidiinta.
Dhanka kale, howlgallo mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu khaarajiyay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, howlgalka koowaad ayaa ka dhacay degmada Kaaraan waxayna ciidamada mujaahidiintu ku khaarajiyeen murtad lagu magacaabi jiray Muxiyadiin Culusow Suubiye oo ahaa Ergada maamulka ashahaada la dirirka ah ee Hirshabelle, sidoo kalana ahaa horjooge macawiisleyda Riddada ee Sh/dhexe.
Howlgalka kale oo kasii horreeyay midkan waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen xaafada Galmudug waxaanay ku dileen murtad la oran jiray Axmed Ibraahiim Cali, kaas oo ahaa mas’uul ka tirsanaa wazaaradda Owqaafta kooxda Riddada Soomaaliya.