Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus uu ka dhacay deegaan ka tirsan gobalka Hirat ee dhaca Galbeedka dalka Afghanistan.
Dagaalkan oo dhex maray ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah Afghanistan iyo kuwa Nasaarada Mareykanka waxa uu yimid kadib markii askarta Mareykanka si qarsoodi ah kaga soo dageen deegaanka balse gabi ahaan askarta Mareykanka ayaa ku fashilmay weerarkaasi.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan oo helay xogta weerarka ayaa heegan galay iyagoona rasaas ooda kaga qaaday askarta Mareykanka kadib markii ay kasoo dagen duleedka deegaanka Qalcah-kamaal.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahisay in dagaalka halkaasi ka dhacay lagu dilay Labo askari oo American ah Labo kalane lagu dhaawacay oo isla ciidamada Nasaarada Mareykanka ah.
Sidoo kale weerarkan waxaa lagu dilay Saddex askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah Mareykanka u tababaray ee qeybta ka ah maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Kaabul.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayeey aheed markii weeraro ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afgahanistan ay ka kala fuliyeen deegaano dhaca Bariga iyo Bartamaha Afghanistan lagu dilay ku dhawaad Soddon askari oo American ah.
Calamada.com