War kasoo baxay wasaaradda Gaadhaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in mid kamida ciidamada Kumaandooska lagu dilay 3 kale lagu dhaawacay weerar maalin ka hor ka dhacay wadanka Yemen.
Mareykanka ayaa xaqiijiyay in iska hor’imaad xooggan oo ay lagaleen dagaalyahano katirsan Al Qaacidda uu sababay dhimashada sarkaal katirsan ciidanka gaarka ah iyo dhaawac sedax kale.
Dhinaca kale waxaa sii kordhahaya khasaaraha ka dhashay duqeyntii ay diyaaradaha mareykanka ka geysteen xaafad katirsan gobolka Albeydaa ee Bartamaha Yemen.
Dhimashada ayaa gaartay 57 ruux oo u badan dad shacab ah sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Hoggaanka Mujaahidiinta Al Qaacidda ee Jaziiradda carabta.
Hoggaamiyaasha qabaa’illada Yemen waxay sheegeen in ciidanka Mareykanka ay sawaariikh iyo hub halis ah u adeegsadeen duullaanka islamarkaasna ay gubeen isbitaal iyo markaz islaami ah oo xilligaasi ay boqolaal qof dhax jiifeen.
Wakaaladda wararka AP ayaa sheegtay in amarka weerarka uu lahaa Donald Trump madaxweynaha Cusub ee Mareykanka taasi oo ka dhigan jariimadii ugu horraysay ee Mareykanku kula kacay muslimiinta maalmo yar kadib markii Trump uu la wareegay talada Mareykanka.