Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa xaqiijinaya in Galbeedka dalkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan oo dhinac ah iyo ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Xukuumadda Ridada Kaabul oo dhinac ah.
Dagaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaan ka tirsan Wilaayada Farah,waxa uuna dagaalkan yimid kadib markii ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan weeraro qorsheysan oo isugu jira Kamaa’in iyo qaraxyo kaga hortageen ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Ridada Kaabul oo duulaan ku ahaa deegaano ka tirsan Wilaayadaasi.
Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa socday muddo Saacada ah,iyadoona ugu dambeyntii dib loo celiyay Kolanyadii Americanka iyo kuwii Ridada Kaabul ee duulaanka ahaa kuwaasi oo sidoo kale khasaara culus la gaarsiiyay.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahiyay in dagaalkaasi lagu dilay Ku dhawaad Soddon askari oo Shan ka mid ah ay tahay askarta Saliibiyiinta Mareykanka halka Labaatan ka badanne laga dilay Kumaandooska Ridada Kaabul.
Sidoo kale ciidamada Mujaahdiinta Dhaalibaan waxey Weeraradan ku gubeen Shan gaari oo ah noocyada Gaashaaman kuwaasi oo mid ka mid ah uu ahaa gaadiidka gaarka ee ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ee duulaanka ku joogta dalkaasi.
Weerarkan culus ee lagu dilay askarta Mareykanka iyo kuwa maamulka Murtad Ashraf Gani ee ka dhacay Galbeedka dalka Afghanistan ayaa qeyb ka ah howlgal dagaaleedka Al-khandaq ee ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan sida Tooska ah kaga wadaan guud ahaan dalkaasi.