Wararka ka imaanaya gobalka Qunduuz ee Waqooyga dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo dhex maray ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan iyo askarta Saliibiyiinta Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalkaasi.
Dagaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaano hoostaga degmada Imaam Saaxib oo ka tirsan gobalka Qunduuz dagaalka waxa uu yimid kadib markii askarta Mareykanka oo kaashanayo kuwa maamulka Kaabul ay weerar kusoo qaadeen deegaanadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in askarta Mareykanka lagu jabiyay dagaalkaasi lagana dilay Afar askari oo American ah dhanka maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Kaabul iyagana waxaa laga dilay Todobo iyo Labaatan askari.
Bishii lasoo dhaafay ee Safar waxaa gudaha dalka Afghanistan lagu dilay Konton iyo Lix Askari oo American ah.
Calamada.com