Wararka ka imaanayo wadanka Afghanistaan ayaa sheegaya in Askar American ah lagu dilay qarax miino oo ka dhacay Degmada Bagram oo ka tirsan Gobolka Barwaan ee dhaca Waqoyiga wadanka Afganistaan.
Afar askari oo American ah ayaa la xaqiijiyey iney ku Baqtiyeen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo lala eegtay gaari gaashaman oo ay wateen, xilli ay marayeen agagarka Qalcatu Nasri oo ku dhow Saldhiga ugu weyn ee ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ay kka sameysteen wadanka Afghaanistaan.
Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa isla goobta ku gubtay gabi ahaanba, waxaana la sheegaya in burburkiisa uu gaaray meelo ka fog goobta qaraxa uu ka dhacay.
War lagu soo qoray baraha internetka ee Imaarada Islaamiga ah ayay ku sheegatay Mas’uuliyada weerarkaan, waxaana lagu xaqiijiyey dhimashada Afar Askari oo American ah iyo Burburka gaarigii ay wateen.
Howl galkaan ayaa qeyb ka ah Xamlo dagaaleedka Xilliga Gu’ga ee loogu magac daray Al-khandaq oo Imaarada Islaamiga ah ay ku dhawaaqday Todobaadyo ka hor waxa uuna imaanayaa Labo maalin kadib markii sidoo kale weeraro ka dhacay gudaha Afghanistan lagu dilay Labo askari American ah oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sar.
Xamlo dagaaleedka Gu’gii hore ee dhawaan soo gab gaboobday ee Al-mansuuriyah ayaa inta ay socotay waxaa lagu dilay 332 askari American ah waxaana lagu dhaawacay 152 askari oo American ah waxeyna tani muujineysa dhiig baxa xoogan ee ku socda askarta Saliibiyiinta Mareykanka ee duulaanka ku jooga Afghanistan.
Calamada.com