Labo camaliyadood oo Ingimaasi ah ayaa siyaabo kala duwan kaga dhacay gudaha wadanka Afghanistan kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada saliibiyiinta Mareykanka iyo maleeshiyaatka Xukuumada Kaabul.
Wararka ka imaanaya gobolka Hirat ee galbeedka Afghanistan ayaa sheegaya in Mujaahid Istish-haadi ah uu dilay laba askari oo American ah, uuna dhaawacay tiro kale ka dib markii uu ku bartilmaameedsaday goob uu ku sugnaa.
Ilo wareedyo iyo goobjoogeyaal ayaa tilmaamaya in weerarka uu yimid markii ciidamada Mareykanka iyo kuwa maamulka daba dhilifka Kaabul ay ka shakiyeen istish-haadiga ka dibna isku dayeen in ay qabtaan balse uu halkaas camaliyadda ku galay ka hor inta aanan la qarxin.
Wararka qaar ayaa sheegaya in istish-haadiga la qabtay ka dibna ay goobta yimaadeen ciidamo American ah iyo kuwa kale oo murtadiin ah si ay su’aallo u weydiiyaan islamarkaana uu suunkiisa ku qarxiyey ka dib markii ay isku soo xoormeen.
Laba askari oo American ah, mid tarjumaan ah iyo saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Ashraf Gani ayaa lagu dilay qaraxa tiro kalena waa lagu dhaawacay. Dadka deegaanku waxay sheegeen in Mujaahidka su’aallo la weydiinayey xilligii uu isqarxinayey.
Dhanka gobolka Helmand ee konfurta Afghanistan waxaa wararka ka imaanaya ay sheegayaan in halyeey Ingimaasi xoog ku gal ah oo ka tirsan Imaarada Islaamiga Afghanistan uu camaliyad ku beegsaday ciidamo ka tirsan daba dhilifka Afghanistan.
Ingimaasigan ayaa beegsaday xarunta taliska amniga ee magaalada daba dhilifka Kaabul ugu magacaaban gobolka Hemand halkaas oo uu ku dilay dhowr ka mid ah cadowga kuna dhaawacay tiro kale.
Imaarada Islaamiga Afghanistan oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradaan ayaa tilmaantay in qasaare culus cadowga lagu gaarsiiyey howlgaladaas islamarkaana Mujaahidka Inqimaasiga ah ay u suuragashay in uu gaaro hadafkiisa, halkaasna ku laayo cadow badan.