Wararka ka imaanaya dalka afghanistan waxey sheegayaan in dagaallo culus oo u dhaxeya ciidamada Mujaahidiinta imaarada Islaamiga Afghanistan iyo kuwa xukuumada ridada kaabul ay ka dhaceen deegaano ka tirsan wilaayada Helmand ee koonfurta dalka Afghanistan.
Dagaaladan waxey si gaar ah uga dhaceen degmooyinka Jarashka iyo Shawaarib oo ka wada tirsan wilaayada Helmand, waxeyna dagaaladan yimaadeen kadib markii ciidamada mujahidiinta dhaalibaan weeraro culu ku qaadeen saldhigyo degmooyinkaas ay kaga suganyihiin maleeshiyaatka Ridada Kaabul.
War rasmi ah oo kasoo baxay imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu xaqiijiyay in dagaaladan ka dhacay labadaasi degmo lagu dilay 43 isugu jirta askar iyo saraakiil ka tirsan ridada Kaabul.
Qaraxyo bar bar socday dagaaladaas ayaa lagu gubay saddex gaari oo ah noocyada gaashaaman ee Taw-ga waxeyna Mujaahidiintu ganiimeysteen hub fara badan.
Dagaaladan ka dhacay degmooyinka Jarashka iyo Shawaarib ee wilaayada Helmand waxey kusoo aadayaa xilli ciidamada Mujaahidiintu xamlo ballaaran ka wadaan gudaha dalka Afghanistan, Waxeyna Todobaadkii lasoo dhaafay dagaal kula wareegeen labo magaalo oo istiraatiiji ah waxeyna imika qarka u saaran yihiin iney la wareegaan magoolooyinka Lashkar jaah iyo baglaan oo ah xarumaha wilaayaatka Helmand iyo Baglaan.