Mujaahidiinta ka howlgala wilaayada Sh/dhexe waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidamada kuffaarta Burundi ee deegaanka Qalimow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay Andalus u xaqiijiyeen in weerarkaasi lagu dilay 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Burundi ee qaybta ka ah isbahaysiga saliibiga ah ee ATMIS ee duullaanka ku jooga qaybo ka mid ah Sh/dhexe, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay 3 kale.
Isla Sh/dhexe waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada saliibiyiinta Burundi ay ka degganyihiin degmada Balcad, waxaana weerarkaasi inta la hubiyay waxaa ku dhaawacmay hal askari oo Burundees ah.
Dhanka wilaayada Banaadir waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada kuliyadda Jaalla Siyaad ee magaalada Muqdisho, halkaas oo talis weyn u ah maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya, dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Riddada ayaa halkaasi ka dhacay, ciidanka mujaahidiinta ayaa markii ay gaareen hadafka duullaankooda kaddib si nabdoon ugu soo laabtay hadlkii ay ka duullaan tageen.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo la qorsheeyay ku qaaday saldhigga ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee buundada deegaanka Bariire ee dhaca duleedka degmada Afgooye.